Xildhibaan Maareeye “Dowladda maanta waxay qaadatay go’aan muhiim u ah la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisida”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa boggaadiyay go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa “in aan la baahin Karin Wararka iyo Fikirka argagaxisida Al-shabaab”.

“Runtii dawladdu waxay maanta qaadatay talaabo aad iyo aad muhiim ugu ah la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisida iyo fikirka xagjirka ah ee looga been sheego diinteena suubban.” Ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa  yiri  “Talaabadan oo hore la isugu dayey ugu yaraan laba jeer ama aanu Golaha Wasiiradda iyo Madaxdii Qaranka horgeynay, waxaa fashiliyey kooxo, Ganacsato iyo shaqsiyaad si dadban ama si toos ah uga horyimid, ka dibna waxaanu weynay madax Qaran oo nagula adkaysata.”