Wasiirka maaliyadda oo la kulmay madax ka tirsan Bankiga Adduunka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee XFS , Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo xubno ka tirsan Sanduuqa loo dhanyahay ee deeq-bixiyayaasha (Multi Partner Fund) oo uu Bangigu maamulo.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii sare loogu sii qaadi lahaa taageerada Bankiga Adduunka ee ku aaddan hannaanka maaliyadda Soomaaliya iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda ayaa ugu dambayn ka mahadceliyay muhiimadda ay innoo leedahay taageerada Bankiga, xoojinta hannaanka maaliyadda ee soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada waxtarka u leh bulshada.