Maamulka gobolka Banaadir oo deeq raashiin ah gaarsiiyay barakayaal ku sugan deegaanka Gubadleey

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Marwo, Basma Caamir Axmed (Jaketti) Xog hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha haweenka gobolka Banaadir ayaa Maanta Deeq Raashiin ah waxay gaarsiiyeen Barakacayaal ku sugnaa deegaanka Gubadleey, kuwaas oo ka kala yimid gobollada dalka kadib markii ay saameyn ku yeesheen abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Deeqdaan oo isugu jirta noocyada kala duwan ee raashiinka ayaa ah mid ka timid Dowladda Emarat-ka Carabta isla markaana lasoo marsiiyay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.