Ciidanka XDS iyo dadka deegaanka Lambar 50 oo fashiliyay Miinooyin ay Al-shabaab aaseen

Ciidamada deegaanka KM 50 ee gobolka Shabeellada hoose ayaa fashilayay miino ay kooxda dhaqar-qabayaasha Al-Shabaab ku aaseen inta u dhexeysa Muuri iyo Lambar 50.

Ciidamada deegaanka oo kaashanaya maamulka gobolka iyo Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku jira hawlgallo joogto ah oo lagu dabar-jarayo Al-shabaab.

Maamulka gobolka Shabeellada hoose ayaa u mahadceliyay shacabka gobolka oo markasta muujiya digtooni dheeraad ah, isla markaana wada shaqeyn dhow la leh mas’uuliyiinta ammaanka si looga hortago dhagarta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.