Wasiir ku xigeenka Warfaafinta “Dowladda ajandaheeda kowaad waa in ay ciribtirto nimankaan khawaarijta ah ee dadka u diiday nolosha iyo horumarka”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS , C/raxmaan Yuusuf Al- Caddaala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ajandaheeda koobaad yahay in ay ciribtirto kooxda Khawaarijta ah ee dadka u diiday nolosha iyo horumarka.

“Dowladda ajandaheeda kowaad waa in ay ciribtirto nimankaan khawaarijta ah ee dadka u diiday nolosha iyo horumarka “ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Al-caddaala oo ka hadlayay dood ku aaddanayd doorka dhallinyarada ee dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay haatan la dagaallamayaan Siddeetan jirro ay nolosha u diideen, ka dib markii ay ka dhaceen xoolihii ay dhaqanayeen, carruurta ka kaxaysteen, guryaha iyo Ceelahana ka gubeen.

Al-caddaala, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay inay taasi billow u noqoto halgan iyo jihad ilaah loogu dhowaanaya oo ka dhan ah Al-shabaab si loo difaaco caqiiddada saxda ah ee Ummaddeenna.

Wasiirka ayaa sheegay inuusan jirin qof aan dareensanayn qatarta Al-shabaab meel kasta oo uu ku sugan yahay, wuxuuna ku boorriyay dhallinyarada uu la hadlayay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto argagixisada gacantana loola tago si loo dabar gooyo haraadigooda dhuumaalaysiga ku jira.