Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay Horumarinta iyo Xasilinta Amniga Caasimada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan weyne looga hadlaayay Dowrka Bulshada ee ka qaadan karto Horumarinta iyo Xasilinta Amniga Caasimada, taasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii Amni darrada Caasimadda loogu hortagi lahaa isla markaana Bulshada ee qeybtooda ka qaadan lahaayeen Maadaama mas’uuliyad wadareed uu yahay Amniga iyo Horumarka.

Guddoomiyaha Gobolka oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Amniga iyo horumarka Caasimada loo daadajiyo Bulshada Asigoona ku booriyay Culimada, Odiyaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ay ka qeyb qaataan dowrkooda Xasilinta iyo Horumarinta Caasimada.