Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya cirib-tirka fikirka xagjir-nimada

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane, Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya dalkeenna u fadhiya Ambassador, Ahmed Binu Mohamed Al-Muwallad.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka sheekaystay sidii loo hormarin lahaa goobaha ciyaaraha dalka ee hadda burbursan sida tuulada ciyaaraha Muqdisho oo Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay dhistay qaybaha dabaasha, kubadda laliska,  kubadda kolayga iyo midda gacanta.

Sidoo kale Wasiirka iyo safiirka ayaa ka sheekaystay sidii  dhallinyarada labada dhinac isaga kaashan lahaayeen cirib-tirka fikirka xagjirnimada oo dhallinyaro badan oo dunida islaamka ah duufsaday.

Kulankan dhanka wasaaradda waxaa Wasiirka ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Deeq Yuusuf Suleymaan iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan.