Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Salah Jama, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Direed,

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Salah Jama, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Direed, kaasi oo looga arrinsanayay qaabkii ay uga qayb qaadan lahaayeen kacdoonka bulsho ee lagu cirib-tirayo argagixisida Alshabaab.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan, Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsato oo dhamaantood isku raacay in la iska kor-qaado heerayada cadawga Alshabaab kaalin muuqatana laga qaato hawlgalada Ciidamada qalabka sida ay ku baacsanyaan Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa tilmaamay inay waajib tahay in la iska kor qaado cadawga arxaan laawayaasha ah ee xalaashaday dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey beesha Direed inay dhinacooda qayb ka qaataan hawlgallada ciidamada qalabka sida ku cirib tirayaan argagixisada Alshabaab.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mudane Saalax, ayaa canbaareeyey falalkii bahalnimada ee argagixidau maanta ka gaysteen magaalada Beledweyne, isagoo ka tacsiyadeeyey shacabkii ku naf-waayey, kuwii ku dhaawacmayna Alle uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.