Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo boqolaal dad ah kula hadlay Masjidka weyn ee Bariire

Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa maanta Salaadii jimcaha ka dib kula hadlay boqolaal dad ah Masjidka weeyn ee Deegaanka Bariire.

Taliyaha Ururka 18 aad G/dhexe Liibaan Yuusuf Garre iyo Saraakiil kale ayaa dadka ku baraarujiyay kacdoonka socda ee Kooxda Argagixisada dalka looga saaraayo.

Sidoo kale Sarakiisha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin in Kooxda Gumaadka ummada laga difaaco markastana ay u taagan yihiin.

Taliye Liibaan Yuusuf Garre iyo Saraakiisha la socday ayaa bulshada Deegaanka iyo dhammaan Ummadda Soomalaiyeed u ballan-qaaday in sharafkooda iyo jiritaankooda la ilaalin doono.
Dhinaca kale Bulshadii maanta Saraakiishani kula hadleen Masjidka weeyn ee Bariire ayaa ballan-qaaday in Ciidanka iyo Dowladda ay la shaqeeyn doonaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Deegaanka Bariire ayaa dib u dayactir ku sameeyay Buundada Deegaanka oo kooxda Argagixisada Burburisay.