Ciidanka Xoogga oo hawlgal ay fuliyeen ku dilay 40 ka tirsan kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab

Hiiraan- Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa In ka badan 40 ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Ceel Qooxle oo qiyaastii 35KMT dhanka bari kaga beegan magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan,sida uu Wakaaladda Wararka ee SONNA u xaqiijiyey Taliska Ciidanka Xoogga.

Ciidamada Xoogga oo garabsanaaya dadka deegaanka ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada isgarabsanaya oo haayay xogta weerarka Argagixisada ayaa gaarsiyeen jab xoogan iyada oo Ciidamadu ay wali ku raad joogaan Firxadka Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.