Ciidanka xoogga dalka oo maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanno muhiim u ahaa argagixisada

Ciidanka Daariishta Gobolka Shabeellada hoose iyo Qeybta 12ka April ee Ciidanka xoogga Dalka  Ayaa Maanta la wareegay Gacan ku haynta deegaannada Jambaluul iyo Kaxarow oo Dhanka Qoraxsin kaga Beegan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeekaha Hoose.

Ciidanka ayaa Cagta Mariyay Maxkamad Beenaad utaalay Deegaanka Jambaluul oo Argagixisadu ku Dhibaataynaysay Dadka Shacabka ah. Waxayna Ciidanku Soo Bandhigeen Agab kala Duwan oo aay Goobta kaga Carareen Nabadiidka alshabaab.

Dhame xashii Maxamuud bullaale oo ah Taliyaha  ururka 1baad ee guutada 1baad daraawiishta Gobolka Shabeelaha Hoose  islamarkaana Hogaaminaayay Howlgalka ayaa sheegay in Ciidaka Daraawiishtu ay Burburiyeen Taliskii alshabaab Ee Deegaanka Kaxarow…

Taliyaha Ciidanka Daariishata Gobolka Shabeelaha Hoose G/sare Nuur Xayir ayaa Sheegay In Howlgalkaan Uu Sii Socon doono islamarkaana ay argagixisada ka Xorayn Doonaan Deegaanada ay Gobolka Kaga Sugan yihiin.