Ciidanka xoogga dalka oo caawinaya beeraleyda gobolka Hiiraan

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee dhowaan kooxda argagixisada Al-shabaab ka xoreeyay degaanno badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa billaabay inay caawiyaan beeraleyda wax ka tacbata nawaaxiga degmada Buulo-burte.

Dadka ku dhaqan degmada Buulo-burte iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa horay u cunaqabateeyay kooxda nabad-diidka Al-shabaab, iyagoo u diiday inay beertaan dalagyadii kala duwanaa ee ay beeran jireen iyo ay si xor ah ugu noolaadaan degaannadooda.

Dadka ku dhaqan degaannada laga xoreeyay malleeshiyada Al-shabaab ayaa si weyn ugu mahad celiyay maamulka gobolka Hiiraan, Ciidanka xoogga dalka iyo is-xilqaamayaasha macawisleyda, kuwaas oo dagaallo adag ka dib nabad-diidka ka sifeeyay inta badan goobihii ay argagixisadu ku sugnayd.