Hiiraan- Ciidamada xoogga dalka ee howlgalada dib u xorraynta ah ka wada deegaannada gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,ciidanka xoogga ayaa hawlgalkooda ku dilay 11 dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisadii halkaas ka hawlgeli jirtay sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliye ku-xigeenka Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS G/le Xasan Maxamed Cismaan.
Xoraynta Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in Argagixisada gacantooda ka baxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan khawaarijta Al-shabaab.
dhowaan ayey Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab hawlgal ay ka fuliyeen Buq Aqable waxa ay ku dileen 18 dhagar qabe iyagoo sidoo kale Ciidanku burburiyey saldhigyo Argagixisadu halkaas ku lahayd.