dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisadda oo ku dhintay Qarax miino

Hiiraan- Saddex dhagar qabe oo ka tirsan  Argagixisada Al-shabaab ayaa geeriyooday ka dib markii miino ay ku aasayeen deegaanka Baardhabaq ee ka tirsan degmada Buula-burte ee gobalka hiiraan ku qaraxday.

Dhagar qabayaasha ayaa doonayey in ay ku dhibaateeyaan miinadan dadka shacabka ee ku safraya laamiga   Mara deegaanka Baardhabaq.

SaraaKiisha Ciidamada qalabka sida ayaa booqday goobta ay miinada kula qaraxday Aragagixisada Al-shabaab.

SaraaKiisha Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay sii wadaayaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab.