Shirka wadatshiga Wasaaraddaha warfaafinta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa si rasmi ah maanta uga furmay Magaaladda Muqdisho.
Shirkan oo socon doono muddo sadex bari ah ayaa looga hadlayaa wada-shaqeynta wasaaradaha warfaafinta heer fadraal iyo heer maamul-goboleed.
Inta uu socdo shirka ayaa la filayaa in si weyn loogu qaadaa dhigo muhiimada la dagaalanka Argagixisada iyo gudbinta jabkooda si bulsha weynta Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inay iska dul qaadaan meel walba oo ay joogaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa sheegay in Shirkaan uu daaran yahay sidii wada shaqeyn dhaw yeelan lahaayeen Wasaaradaha warfaafinta heer fadraal Iyo heer maamulgoboleed gaar ahaan waqtigaan lagu jiro howlaha xasaasiga ee argagixso la dagaalanka Iyo wax ka qabashada abaaraha.


