Ra’iisal wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay James Swan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga gaarka ah Mr. Swan ayaa ka wada hadlay xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira maanta iyo qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen.

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda Dan Qaran.