Howlgalo lagu baadi goobayo haraadiga argagixisada oo laga sameeyay gobolka Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgalo lagu baadi goobaayo haraadiga maleeshiyaadka Al-shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaannada Laas-gacameey,Dhaghaye iyo Xeradii Taliska 21 ee duleedka Bacadweyne, halkaas oo la tuhunsanaa in ay ku dhuumaleeystaan argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ka carareen deegaannadaas.