Xukuumadda Dan-qaran oo xoogeeda isugu geysay in cadowga laga sifeeyo dalka lana dhiiri-geliyo kacdoonka shacabka

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan howlgalada iyo duulaanka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-qaran ay xoogeeda isugu geysay in cadowga laga sifeeyo dalka lana dhiiri-geliyo kacdoonka shacabka.

“Kacdoonka iyo jiheynta ay bilowday xukuumadda ayay ku timid in ay shacabka aqbalaan oo ay iska dhiciyaan argagixisada baneysatay dhiigooda,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in awooddii Al-shabaab ay wiiqantay, islamarkaana ciidamada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku daba jiraan haraadiga maleeshiyada iyo horjoogayaashooda oo ka firxaday furimaha hore ee dagaalka, deegaano badana laga saaray.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobolada Hiiraada iyo Galgaduud ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray, iyadoo deegaano kale oo dalka ka tirsan ay ka socdaan abaabul iyo isku tashi ciidanka iyo dadweynaha ay sameeyaan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaryo kooxaha argagixisada.