Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee Gobolka Galguduud ku dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka aragagixisada Al-shabaab.
Saraakiisha howlagalka hoggaamineysa ayaa xaqiijiyay in Nabadiidka laga dilay in ka badan 10 dhagar-qabe, iyadoona la burburiyey meelihii ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka aragagixisada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in argagixisada jabweeyn la gaarsiiyay.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidanku ka war helaan in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ku dhuumaaleeysanayaan maleeshiyaadka nabadiidka sidaas darteedna weerar ay ku qaadeen.