Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane  FEI Shengchao.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan wasaaradda iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada dal, abuuridda jawi wada shaqeyneed oo cusub iyo in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowladaha shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya.

Danjiraha dowladda shiinaha ee Soomaaliya mudane  FEI Shengchao ayaa ka shakeeyey taariikhda xiriirka soo jireen ka ah ee ka dhexeeya labada dal, waxaana uu ku tilmaamay mid walaalnimo iyo saaxiibtinimo oo qoto dheer, isaga oo xusay inay diyaarin u yihiin hagaajinta iyo ilaalinta xiriirkaas qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda mudane Axmed Xasan Aadan ayaa uga mahadceliyey danjire FEI Shengchao sida uu diyaar ka ugu yahay xoojinta midnimada iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada isaga oo u sheegay in ka wasaarad ahaan uu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa sidoo kale isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac, iyadoo lagu ballamay in ay dhacaan kulamo kale oo lagu dhameystirayo wadahal ka mira dhalka ah ee ay yeesheen.