Putin oo ku dhawaaqay qorshe Cusub oo wajahan dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku dhawaaqay abaabul ciidan oo horleh, kaasi oo wax looga baddalayo dagaalka ka socda Ukraine.

Putin, ayaa qorshahan ka dhawaajiyay ka dib markii gobollada taabacsan Maamulka Ruushka looga dhawaaqay afti ku saabsan madaxbannaani ay ka go’ayaan Ukraine.

Qorshahan cusub ayuu madaxweyne Vladamir Putin, sheegay inuu ugu gol leeyahay xoraynta dhulka Donbass, isagoo oo xukuumadda ka codsaday in sharci la siiyo dadka mutadawiciinta ah ee ka dagaalama Donbass, si loom eel mariyo Go’aannada madaxbannaanida gobollada Donbass, Zaporozhye iyo Kherson.

Madaxweyne Putin ayaa reer galbeedka ku eedeeyay in aanay doonaynin nabad dhex marta Ruushka iyo Ukraine, isaga oo Carrabka ku adkeeyay in Ukraine ay u adeegayaan Ciidamao calooshood u shaqeystayaal ah oo ay hogaaminayaan Saraakiisha NATO ee Waqooyiga Atlanta.

Gobalada taabacsan maamulka Ruushka, gaar ahaan gobolka Kherson, Donbass iyo Zaporozhye, ayaa sheegay in aftida ku biiritaanka Ruushka ay dhici doonto Jimcaha ilaa Talaadada soo socota, taasi oo Maraykankana uu sheegay in aanu aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda aftidaas.