Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay la-taliyeyaasha xasillinta safaaradda Britain ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Mudane , Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay la-taliyeyaasha xasillinta ee ka socday safaaradda  UK ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimaha xasillinta iyo hindisaha soo kabashada xilli hore (ERI) ee looga golleeyahay in lagu taageero dedaallada xoreynta iyo xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bogaadiyay kaalinta ay dowladda UK ka qaadatay arrimaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka waddo dawlada UK.