Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la Kulmay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar.

    

Qaahira- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo Safiirka soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar Mudane Karam Jabar.

Kulanka ayaa looga hadlay Habka looga hortagi karo argagixisada iyadoo la adeegsanayo warbaahinta si dhalinyaradda looga wacyigeliyo dhibaatadda xagjirka iyo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga tababarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar Mudane Karam Jabar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Masar ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac aya qaahira uga qeyb gali doonna Kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo Khamiista soo socota ka furmaya xarunta Jaamacadda Carabta.