Wafdi seddex geesood ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka shaqada dowladaha Carabta

Magaalada Qaahira waxaa ka furmay fadhiga 48aad ee shirka shaqada carabta kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan dalalka ku bahoobay ururka Jaamacada Carabta oo ay ku jirto dalka Soomaaliya. Kulankan ayaa ah sanadle looga hadlo arrimaha shaqada iyo shaqaalaha dalalka carabta.

Wafdiga seddax geesoodka ah ee ka socda dalka Soomaaliya ee ka kooban dowladda federaalka, xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU iyo rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.

Kulankan oo maanta furmay waxaa diirada lagu saaraya dhaqaalaha dhijitaalka gaar ahaan xaaladaha cusub ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ku shaqeeya dhijitaalka. Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya ugu sii horumarayso dhinaca dhaqaalaha dhijitalka kaasoo horumar wayn Soomaaliya ka samaynayso, iyada oo la saacidaysa farsamada digital ka ah dariskeeda sida barnaamijyada lagu abuuro adeegyada lacagaha digital ka ah .

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo uu safarka ku wehliyo Agaasimaha Guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdullahi Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad mideysan oo ay ka yeeshaan wadamada carabta taasoo si buuxda uga hadleysa ku shaqeynta dhaqaalaha dhijitalka ayadoo isla markaana la dhowrayo xuquuqda shaqaalaha ayadoon looga faa’ideysaneynin u guurida dhijitalka ama adeegsiga teknoolajiyada.

Isticmaalka iyo u guurista dhaqaalaha dhijitalka ayaa waxaa la filayaa inuu fududeeyo adeegyada dadwaynaha iyo ganacsiga taas oo horseedi karta koboc dhaqaale, ayuu ku daray Wasiir Biixi Iimaan Cige oo intaas sii raaciyay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dhijitalka loo isticmaalo shaqo abuuris baahsan si loola dagaalamo shaqo la’aanta.

Xoghyaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan oo is na ka mid ah wafdiga seddex geesoodka ee Soomaaliya uga qeyb galaya shirka shaqada carabta ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay lama huraan u baahan in la wajaho isticmaalka dhaqaalaha dhijitaalka ayadoo aan waxba loo dhibeynin xaalada shaqo ee shaqaalaha.

Cumar Faaruuq Cusmaan waxaa uu balse sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xuquuqda shaqaalaha uu saameeyay u guurista dhaqaalaha dhijitaalka, ayagoo laga ilaalinayo in aysan noqon shaqo la’aan ama loo abuuro ilo dhaqaale.

Wafdiga Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Qaahira safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar oo isla markaana ah madaxa ergada joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xooga saaraya sidii Soomaaliya ay shirkan ugu gaari laheyd natiijooyin wax ku ool ah, isaga oo u diyaariyay Wasiirka iyo wafdigiisa inay wadahadalo la galaan wufuuda kale ee ka socota dalalka carabta.