Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka oo la kulmay masuuliyiin ka socotay UNICEF

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta la kulmay Madax ka socotay Hay’adda UNICEF.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta shaqooyinka socda ee arrimaha dhowrista xuquuqda carruurta iyo sidii loo xoojin lahaa Wada-Shaqaynta.