Argagixisada oo bilowday inay horjoogayaashooda kula kacaan falal ka baxsan Insaaniyadda dhimashadooda kadib.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa soo wariyay Falal la yaab leh oo ay Argagixisada Shabaab kula dhaqmaan Hogaankooda dagaalka marka la dilo kadib.

Ciidamada ayaa sheegay in Argagixisadu Al shabaab ay bilowday dhaqan ah in horjoogayaashooda lagu dilo dagaalada Ciidanka xooggu kula jiraan in ay madaxa ka gooyaan si aan loo aqoonsan horjoogayaashooda.
Dagaal ka dhacay Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan ayey labo horjooge oo dagaalka lagu dilay madaxa ka gooyeen kooxda Al shabaab iyaga oo horay u qaatay.
Ciidanka xoogga dalka oo firxadkood baacsaday ayaa helay labadii horjooge madaxyadood oo ay uga tageen isla goobta ay qurgooynta ugu geysteen horjoogayaashooda.