Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug oo gaaray deegaanka Miircawleed

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa gaaray deegaanka Miircawleed ee duleedka waqooyi magaalada Galinsoor, halkaasi oo laga hirgalinayo Ceel Biyood bulshada loogu adeegi doono

Taliyaha iyo Saraakiisha uu hoggaaminayo ayaa deegaanka u tagay si uu u bogaadiyo ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo halkaas ku sugan.

Sidoo kale, ciidanka daraawiishta ayaa deegaanka kusoo bandhigay 3-ruux iyo gaadiid ay ku sideen walxaha maanka dooriya, oo ay ku doonayaan in ay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan qaar ka mid ah deegaanada Galmudug.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaad caadiyeystay inay deegaanada Galmudug soo galiyaan maandooriyaha bulshada iyo deegaanka lagu waxyeelaynaayo.