Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee ururka Shaqada ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafti u hoggaaminayo ayaa gelinkii hore ee maanta gaaray magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar , halkaa wuxuu uga qeybgali doonaa shirka 48aad ee Shaqada waddamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Qaahira , wuxuu la kulmay Agaasimaha Guud ee ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta , Mudane Fayez Almutairi, oo ku soo dhaweeyay ka qeybgalka shirka.

Shir-weynaha 48aad ee Shaqada oo ay martigelinayso Dawladda Masar oo lagu wado inuu berri furmo ayaa sannadkan diiradda saari doona arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulashada, hababka cusub ee shaqada iyo Ilaalinta bulshada, iyadoo ay ka qeybgali doonaan wasiirrada Shaqada , ururrada Shaqada iyo marti kale oo ka socota 21 waddan ee Jaamacadda Carabta.