Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agab caafimaad kala wareegtay heya’adda kalkaal

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa agab caafimaad oo isugu jira Mishiinada neefta siiya bukaanada iyo dawooyin kala wareegtay Hey’adda Kalkaal si loo gaarsiiyo isbitaalada danta guud ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale agabkan ayaa waxaa barbar socday tababar loo furay qaar ka mid ah howl-wadeenada Xarumaha Caafimaadka Dhuusamareeb oo la barayo La tacaalida iyo daaweynta xaaladdaha Covid-19 iyo maaraynta xaaladdaha degdega ah, iyadoo dadka ka faa’iidaysanaya loo sharaxay sida ugu haboon ee loogu adeegi karo bukaanada ku jira xaaladda adag ee soo gaaraya Xarumaha Caafimaadka.

Madasha Dhaqaatiirta Galgaduud oo kaahshanaysa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Ururka Dhaqaatiirta Galmudug ayaa tababarkan u sameeyay xirfadlayaasha caafimaad Waxaana ujeedka lagu sheegay in uu yahay siddii adeeg deg deg ah  u heli lahaayeen bukaanada ku jira xaalada adag ee u baahan in si dhaqso ah loogu adeego.