Ciidamada xoogga dalka oo 35-ka tirsan argagixisada Al-shabaab ku dilay gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka ayaa xalay degaanka Abooreey oo qiyaastii 25-Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan ku dilay 35 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Abooreey ayaa SONNA u sheegay in xalay saqdii dhexe ay ku baxeen mmaleeshiyaad ka tirsan aragagixisada oo ku dhuumaaleysanayay duleedka deegaankaas, halkaasina khasaaro xooggan ay ku gaarsiiyeen.

Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay ku guuleystay in ay degaankaa Abooreey ka saaraan maleeshiyaadka Al-shabaab oo muddo dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada, waxayna dhalinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyadu ay ugu baaqday in ay  ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda.