Maleeshiyada Al-shabaab oo xalay qarax la beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah

Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa xalay miino nooca dhulka la galiyo ah ku  Qarxiyay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay meel u dhow deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Gaariga oo ay saarnaayeen afar ruux ayaa ku sii jeeday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa ku dhintay saddax ruux oo ka mid ah nabadoonada caanka ah ee gobolka Hiiraan, arrinta xanuunka badana waxay  tahay in wiil iyo aabahiis Alle ha u naxariiste ay ku jiraan dadka ku dhintay Qaraxaas.

Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab oo u bareeri waayay in ay wajahaan kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay in si dhuumaaleysi ah ay wadooyinka Qaraxyo ugu galiyaan dadka safarka ah, taasoo muujineysa taag darida cadowga.