Taliska Ciidanka Xoogga oo Beeniyey Warar ay baahiyeen Argagixisada

Taliska Ciidanka dalka ayaa beeniyay warar ay baahiyeen Argagixisada Alshabaab oo sheegaya in ay qasaaro gaarsiiyeen Ciidanka gaarka ah ee militariga Soomaaliya ” Danab” ee howlgalka ka fuliyay deegaanka Bukh-aqable oo 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Taliska waxaa uu sheegay xaqiiqda ay tahay in hawlgalka uu u dhacay si guul ah, Ciidankana dileen 18 ka mid ah argagixisada oo ay ku jiraan horjoogayaal islamarkaana ay burburiyeen xaruntii Alshabaab ee deegaanka Bukh-aqable.