Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS oo booqasho iyo salaan ku tagay Mowlaca Macallin Nuur

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Ee Soomaliya ayaa maanta booqasho iyo salaan ku tagay Mowlaca Macallin Nuur.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka DFS Xasan Macallin Maxamuud, wasiirka Qorsheynta xildhibaan Beenbeene iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayey booqashadoodu ku saleysneed u mahadcelinta maamulka Mowlaca Macallin Nuur iyo ukuur galidda baaxadda howsha ka socota.

Waxaa mowlaca kusoo dhaweeyay Khaliif-Cabdulqaadir Macallin Nuur Maxamed Siyaad.