Kumaandooska Danab oo gargaar raashin ah u qeybiyey shacabka ku nool deegaan teedaan ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gargaagr raashiin ah u qeeybiyay shacabka ku dhaqan degaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan oo kamid meelihii dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Degaanka Teedaan kahor inta aan laga xoreeyn Argagaixisada waxeey gubeen Ceel-biyoodkii degaanka sidoo kale waxeey qaateen xoolihii Shacabka iyadoo taasi ay keentay in dadkii degaanka uu ciriir ka galo helista biyaha oo nolosha banii-aadamka muhiim u ah iyo cuntadii ay cuni jireen.

Balse ciidanka xoogga dalka ayaa markii ay arkeen xaalada nololeed ee heeysata shacabkooda go’aansaday inay siiyeen raashiinkii ay wateen kaasi oo loogu tala galay inay isticmaalaan.

Ururka 6-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ayaa sidookale u sameeyay Shacabka dalyeel caafimaad maadaama ay adagtahay shacabkaasi dhibtaada kala kulmay Al-shabaab inay helaan xarun Caafimaad.