Bulshada Godinlabe oo abaabulay ciidamo rayid ah oo la dagaalama Al-Shabaab

Qaar kamid ah hogaamiyaasha Bulshada ee ku dhaqan deegaanka Godinlabe ayaa ciidamada dowladda ku biiriyay in ka badan laba boqol oo ruux ah oo loogu talagalay in ay ka qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al0-habaab.

Xaflad loo sameeyay wareejinta ciidankaasi,waxaa ja qeybgalay xildhibaanno ka socda Galmudug,maamulka degmada Godinlabe iyo saraakiil ay hogaaminaayeen Suldaan Mowliid Sh Jaamac iyo Kormeyl cabdi Maxamuud Jaamac

Taliyaha guutada 1-aad, qeybta 12-ka April, ,ayaa la wareegay laba boqol oo ruux ah oo ka socda dadka deegaanka ,si ay uga qeybqataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanaya gobolada dhexe.

Illaa hadda deegaanno badan ,waxaaa ka socda abaabul loogu jiro ururinta ciidamo rayid ah oo ka qeybqaata kacdoonada shacabka ee lagu diidan yahay joogitaanka kooxaha Al-Shabaab ee deegaanada dalka.