Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada qaba baahiyaha gaarka ah

    

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil Maxamed Barre Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kula kulmay  qaar ka mid ah dhallinyarada qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan xaaladaha dhallinta baahiyaha gaarka ah qaba ka dhageystay,waxaana ay u sheegeen in daruufo adag ay kula dhex nool yihiin bulshada isla markaana aysan helin xaquuqda ay mudnaayeen.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS, Xillibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa u balanqaaday dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba in wasaaradiisa ay door weyn siin doonto sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.