Ciidanka NISA oo burburiyey Shabakad Shabaab ah, Gacantana ku dhigay Dhagarqabeyaal

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa burburiyay Shabakad Shabaab ah oo Argagixisadu u qorsheeyeen inay falal amni Daro ay ka gaystaan magaalada Muqdisho, sida ay saraakiil u xaqiijiyeen Wakaaladda SONNA.

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada Argagixisada ah, Hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka.