Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isu dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Gaalkacyo- Maxamed Nuur Xasan oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ka howlgala degmada Wisil.

Maxamed Nuur oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu Al-shabaab kaga soo biiray Jubbada hoose 2020-kii, haatann uu iska soo dhiibay degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay inuu markii hore ahaa turjumaan iyo keyd haye, ugu dambayna uu ka mid noqday malleeshiyaadka dagaallama kadib tababar uu kusoo qaatay Jubbooyinka.

Maxamed Nuur ayaa intaa ku daray inuu kasoo dagaallamay Shabeellada dhexe iyo goobo ka mid ah gobolka Mudug, dhibaatooyin badanna uu kala kulmay intii uu ka tirsanaa argagixisada.