Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya oo Muqdisho Ka furay Shirka Wadatashiga Qaranka

Wasiirka Qorshenynta Qaranka oo maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Madasha  wadatashiga Golaha Horumainta Qaranka (National Development Council) iyada oo ay ku mideeysan yahiin madashan Wasaaradaha Qorsheynta *labadeeda heer dowladda dhexe iyo heer dowladd gobaleed.

Wadatashigan waxaa ka qeyb-galay wasiirada Qorsheynta ee kala ah: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, wasiirka qorsheynta Galmudug Mudane Axmed Ali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta  Koonfur galbeed Dr Cali Cabdi, wasiirka qorsheynta Hirshabeelle Saaqad Salaad Warsame, Wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Mudane Faarax Muqtaar Daa”uud iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda  qorsheynta qaranka Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasimyaasha guud Maamul gobaleedyada, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta DfS iyo wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada, la taliye-yaal sare.

Madashan waxa ay socon doonta muddo labo cisho ah (13-14 September, 2022) iyada oo lagu lafo-guri doono hannaanka wada shayeynta, iskaashiga iyo muhimada ay leedahay U-gurmadka  bulshada ay saameyn abaaraha baahsan, Sidoo kale waxaa lagu kala dhageystay warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Shirka wadatashiga Gollaha horumarinta Qaranka  waxaa la filaya in la’isku weydaarsado fikrado muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan adkeynta hannaanka wadashqeynta labada heer ee dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo bixi doonaan talooyin wax-ku-ool ah oo fulintooda qeyb mug leh ka qaadanayso hoos u dhigista saboolnimada, joogteynta sidii loo xoojin lahaa qorshaha maareynta Abaaraha iyo sidoo kale sare u qaadista heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed.