Shirka Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasaaradaha Maaliyadda D/goboleedyada oo la soo gabogabeeyay

Shirkan oo uu dhaxeeyay wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka iyo wasiirada Maaliyadda ee dowlad goboleedyada ayaa lagu soo gabogabeeyay Muqdisho, waxaana laga soo saaray war murtiyeed ay isku raaceen wasiirada.

Shirkan oo socday muddo 6 maalmood ah ayaa waxaa shir guddoominayay wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamed Nuur, waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada Puntland Xasan Shire Abgaal, Jubbaland Xuseen Xersi Axmed, Hirshabelle Cabdishakuur Maxamed Xasan, Koonfur Galbeed Mudane Axmed Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Maxamuud.

Hoos ka akhri war-murtiyeedka oo dhammeystiran