Madaxweyne Lafta-gareen iyo wakiillo ka socda beesha caalamka oo ka wada hadlay abaaraha iyo amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhaba ku qaabbilay wafdi ka socday Safiirrada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amp, James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirrada Beesha Caalamka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta howlgallada lagu ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab,wax u qabashada dadka ay Abaartu saamaysay iyo daadejinta adeegyada dowladda.