Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee Galmudug oo dhagax-dhigay suuq casri ah

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka shaqada Galmudug, duqa Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha suuq casri ah oo ka kooban labo dabaq, kaasi oo ay yeelanayso degmada Dhuusamareeb.

Mashruuca dhismaha suuqan casriga ah ee Dhuusamareeb oo guddiga xiriirka mashruuca ee loo soo gaabiyo TCC-da ay ansaxiyeen 27-bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu hirgalkiisu ku yimid kala doorashada baahiyaha bulshada Dhuusamareeb oo xog wareysi lagala yeeshay maamulka iyo qaybaha bulshada sida uu sheegey Xariiriyaha mashruuca ILED, Barre Maxamed Muuse.

Duqa Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa dhankiisa xusey in dhismaha suuqan uu kor u qaadayo dhaqaalaha soo gala dowladda hoose maadaama uu abuurayo ganacsi baaxad leh.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay shirkadda qaadatay qandaraaska mashruucan in ay si gaar ah isaga xil saarto qurxinta iyo tayeynta suuqan.

Dhismahan ayaa qaybka ka ah Mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha oo ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan midowga Europe, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug.