Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka tacsiyeeyay geerida boqorad Elizabeth II

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyay geerida boqoraddii dalka UK ee Elizabeth II oo ku dhimatay dalka Ingiriiska.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri,

“Waxaan caalamka kala qayb qaadanaynaa baroor diiqda geeridii ku timid boqorad Elizabeth II, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska.”

Queen Elizabeth II ayaa ku geeriyootay shan cisho ka hor da’da 96 jir, iyadoo muddo 70 sana ahna haysay xil sharafeedka boqornimo ee dalka UK muddo 70 sana ah.