Ciidanka Dowladda oo Hawlgal qorshaysan ku burburiyey Maxkamad Beenaad Argagixisadu ku lahayd Gandarshe ilaa iyo Number-50.

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaliya ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50, oo argagixisadu ay ku lahaayeen Maxkamad Beenaad ay ugu yaaraan shacabka si ay ugu dhacaan hantidoodana ay xoog uga qaataan.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen.