Wasiir-dowlaha wasaaradda Ganacsiga oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Swedan

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Abdisalam Shariif Xuseen, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dawladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgärde.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Aduunka oo ay inaga taageerto dawladda Sweden kaas oo muddooyinkii dambe laga sameeyey horumaro waaweyn.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen guud ahaan dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya, tobabarada iyo weli ba sidoo kale xoojinta xidhiidhka labada dhinac.