Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha Golaha wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran

kaasoo socday muddo laba maalmood ah 11-12 September 2022. Shirka oo ku
qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha
Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug
Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali
Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid
Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ
Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha
Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu
samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu,
waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday
qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022.
Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay
magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada
soo socda:

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa
galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu
go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka
tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in
ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu
wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu
gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in
ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka
argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta
ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka
qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan
qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka,
ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan
dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada
qalabka sida.

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada
Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda
ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u
ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed
oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri
doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.