Soomaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Duulista Hawada Afrika

Kigali- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada XFS iyo Wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qayb galay shir-weynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo labo maalin ka soconaya magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda ,halkaas oo uu shirka daahfuray Madaxweynaha Dalka Rwanda, Paul Kagame.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta horumarinta adeegyada Duulista iyo Gaadiidka ayuu shirkani u leeyahay muhiimad gaar ah.

Shirkan ayaa waxa ka qayb galay 1100, ka qeybgale oo ka kala socday 84 waddan, iyadoo Ergooyinku isugu jiraan wasiirro,wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.