Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaaminayso Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ms. Wafaa Siciid , Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS iyo wafdiga ay hogaaminayso MS. Wafaa Siciid ayaa waxaa ay kulankooda diirada ku saareen arrimaha Diiwaangelinta Madaniga , Wacyigalinta bulshada, Waxbarashada Madaniga iyo Arrimaha Bani’aadamnimada sida wax ka qabashada abaaraha Dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay Hay’ada Unicef ka qaadatay Arrimaha Waxbarashada Madaniga ,Diiwaangelinta Madaniga , isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adda Unicef ee Soomaaliya.