Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Mudane, Axmed Cabdiraxmaan Xasan, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane, Saleebaan Maxamed Maxamuud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku xiranyihiin maxaabiis xukunno kala duwan ku xukuman.
Wasiirka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xabsiga asagoo warbixin ka dhageystay ku simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Xabsiga dhexe oo ku aaddan xaaladda maxaabiista ay ku suganyihiin sida jiifka, cunnada, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka Farsamo ay qabtaan maxaabiista.