Wasiirka Maaliyadda XFS iyo golaha dhaqaalaha qaranka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqow ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay golaha Dhaqaalaha Qaranka.

kulanka waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan isbadalka dhaqaalaha iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda.

“Inta aan ku guda-jirno geeddi-socodka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxaa muhiim ah in aan ka faa’iidaysano aqoonta iyo qibradda dadkeenna aqoonta iyo fahanka u leh Horumarinta dhaqaalaha dalka”, sidaasi waxaa golaha u sheegay Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Maxamuud Nuur.